Jubbaland oo shaacisay Shuruudaha adag ee dowlada ku xirtay sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland

Wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa mudo ku dhaw labo isbuuc ku xiran xabsi kuyaala magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada amaanka kasoo xireen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu qaab Transit ah ku marayay.

Dadaalo ay wadeen waxgarad iyo ganacsato kasoo jeeda Jubbaland oo lagu doonayay in xabsiga looga sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa fashilmay, kadib markii dowlada la sheegay in shuruudo adag ku xirtay sii deynta masuulkan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaciyay in dowlada federaalka sii daynta Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ku xirtay Shuruudo kala duwan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland in dowlada shuruudaha sii deynta Wasiirka ku xirtay ay ka mid yihiin in lasoo wareejiyo ciidamada daraawiishta iyo in aan la aqoonsan doorashadii ka dhacday Jubbaland ee mar kale lagu doortay Axmed Madoobe.

” Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya, dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay ” ayuu yiri Maxamuud Sayid

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in Cabdirashiid Janan si xun loola dhaqmay mudadii uu xirnaa, waxa uuna tilmaamay in kaliya xaaskiisa xili saq dhaxe loo ogolaaday in hal mar aragto.

” Runtii Cabdirashiid aad baan uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen ” ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Waxa uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan in aysan marnaba ogolaan doonin in lakala diro ciidanka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraawiishta uu sheegay in halgan dheer soo galeen ayna Al Shabaab ka xureeyeen deegaano badan oo Jubbaland katirsan.

Dowlada ayaan wali ka jawaabin hadalkan kasoo yeeray maamulka Jubbaland ee ku aadan in shuruudo lagu xiray sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland, taliska booliiska Soomaaliya ayaana horey u shaaciyay in Mr Janan loo heesto dambiyo waa weyn uu galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -